Jawaari iyo Farmaajo oo Caawa kulansan, iyo Jawaari oo gorgortan ku jira, Akhriso Xog Muhiim ah.

0

Madaxwaynaha Jamuuriyadda Federaalka Somalia, Md Maxamad C/laahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamad Cusmaan Jawaari ayaa  Kulan ku yeeshay Aqalka Madaxtooyadda, kaaso ku salaysnaa Gorgortano Siyaasadeed oo ay Dowladdu doonayso inay kaga badalato Jawaari in la jahwareeriyo Qadiyadda Qalbidhagax.

Jawaari wuxuu Farmaajo kula gorgortamayaa go’aanada ka soo bixi doona guddiga barlamaaniga ah ee maantay la saaray , waxaa lagu soo waramayaa inuu hordhigay saddex Qodob, kuwaasoo haddii ay Dowladdu fuliso uu ku gorgortamayo inuu wax ka badali doono Natiijadda Guddiga Xaqiiqo Raadinta ah ee uu Maanta magacabaay, Waxaana Qodobadaasi ay kala yihiin.

1. Xiriirka Farmaajo uu la leeyahay Shariif Xasan in uu jaro, isla markaana uu Farmaajo taageero ololaha xilka looga qaadayo Shariif Xasan ee Koofur Galbeed ka socda maadama Shariif Xasan uu ka hor yimd go’aanki Dowladda ee Xasaradda Carabta

2. Inuu bedelo Wasiirada Shariif Xasan ku leeyahay golaha Xukuumada Kheyre, booskoodana uu isagu keensado, Waxaana ka mida Wasiiradda uu ku gorgortamayo Fargeeto oo uu la doonayo Wasiirka Maaliyadda.

3. In Taliyaha Ciidanka Booliska loo magacaabo Beesha D/Mirifle, uuna keeno Jawaari Taliyaahaas.

Illo ku dhow dhow Madaxtooyadda Somalia ayaa u xaqiijiyay HornAfrik in Madaxwayne Farmaajo uu aqbalay 3 Qodob ee Jawaari doonayo in Dowladdu ay fuliso, Waxaana lagu badalanayaa in la caburiyo Baarlamaanka Somalia, Isla markaana Guddiga uu Maanta magacaabay Jawaari ay soo saaraan Warbixin lagu marin habaabinaya Aragtidda Shacabka iyo Ra’yul Caamka.

Shariif Xasan oo ah Siyaasi saamayn ku leh Siyaasadda Somalia ayaa u muuqda hadda inuu soo wajahayo Culayso ay Muqdisho doonayso inay ku gilgisho Maamulkiisa, isla markaana looga saaro Meesha si la mid ah Shaxdii lagu cayriyay Cali C/laahi Cosoble, Waxaase la rumaysan yahay inuusan u fududayn Shariifku sida Cosoble.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.