Gudoomiye Waaxeed Saaka lagu dilay Degmadda Xamarjajab.

0

Alle ha u naxariistee waxaa goor-dhaw degmada Xamar jajab ee gobalka Banaadir lagu dilay Haweeney Gudoomiye Waaxeed ka aheyd degmadaasi.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka  Buundada 1aad ee degmada Xamar jajab sida ay noo xaqiijiyeen Ehelada Haweeneyda la dilay, Ciidamad amniga ayaa hada Howlgal ka wado degmadaasi.

Haweeneyda la dilay oo lagu magacaabo Foos Maxamed Xuseen  ayaa la sheegay in Kooxda dishay ay gurigeeda ugu galeen, kadibna halkaasi ku qaarajiyeen.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan Jahwareer dhinaca amniga ah, Shacabka Muqdisho ayaa qaba walaac Xoog leh iyo Cabsi badan, waxaana joogto ka noqday dilalka iyo Weerarada Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.