Taliyaha NISA ee Kaxda oo u geeriyooday Dhaawac, Yaa Weeraray,?

0

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Taliyihii Nabadsugida degmada Kaxda Maxamuud Xasan Macalin C/raxmaan oo ku magac dheer Qooley uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas dabley hubeysan ku fureen gaarigiisa xilli uu marayay Xaafada Xoosh ee degmada Dharkeenley.

Taliyaha oo dhaawac ahaan loola cararay Isbitaalka Madiina ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawacaas, waxaana la sheegay in rasaasta ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Taliyaha uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Dableyda hubeysan ee weeraray gaariga uu la socday Taliyaha ayaa la sheegay in gaarigii ay wateen ay ku hor-jareen, dabadeedna ay rasaas ooda uga qaaday gaariga, waxaana markiiba goobta ku geeriyooday Askari ilaalo u ahaa.

Degmada Dharkeenley oo ah halka lagu rasaaseeyay Taliyaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay noqotay goobaha ugu badan ee ay ka dhacaan weerarada lagu fuliyo gaari dad hubeysan saaran yihiin, waxaana todobaadkii hore ka dhacday labo weerar oo kan la mid ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.