Hirshabelle oo yeelatay Madaxwayne Cusub, kadib doorasho ka dhacday Jowhar.

0

Xildhibaanadda Baarlamaanka Hirshabelle ayaa u doortay Madaxwaynaha Maamulkaasi, Maxamad Cabdi Waare, isagoo ka guulaystay Daahir Cabdulle Cawaale oo ay wada tartameen Wareegii ugu dambeeyay.

Doorashada oo ahayd mid adag ayaa gaartay illaa Wareegga Seddaxaad, waxaana wareegaasi isugu soo haray Maxamed Cabdi Waare oo helay 75 cod iyo sidoo  kale Daahir Cabdulle Cawaale oo isna helay 22 cod.

Guddoonka baarlamaanka Hirshabelle ayaa ku dhowaaqay natiijada, iyadoo durba ay bilaabatay u hambalyeenta madaxweynaha cusub ee Hirshabelle.

Maxamad Cabdi Waare oo ah Siyaasi Reer Hiiraan ah waxa uu la soo shaqeeyay World Bank, Waxaana Doorashadiisa ay meesha ka saaraysaa shakigii laga qabay in Maamulka Hirshabelle uu ka shaqayn waayo Baladwayne, maadaama Xilka laga qaaday Madaxwaynihii hore ee Maamulkaasi, Cali C/laahi Cosoble oo ka soo jeeda Baladwayne.

Maxamad Cabdi Waare waxa uu Sannadkii hore kula tartamay Madaxwaynanimadda Hirshabelle, Cali C/laahi Cosoble oo kaga guulaystay Doorashadaasi, balse isagoo aan dhamaysan Waqtigiisii ay Xilka ka qaadeen Baarlamaanka Maamulkaasi, Waxaana Doorashadan intii ay socotay mar qura baxay Korontadda Hoolka Doorashadda, balse Guddiga Doorashaddu ma aysan joojin Doorashadii oo halkeedii ka sii socotay.

14-kii August 2017, xildhibaannada Hirshabelle ayaa xilkii ka qaaday Cali Cabdullaahi Cosoble, kadib markii ay ku eedeeyeen inaanu waajibaadkiisa gudan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.