Al-shabaab oo Hawada ka saaray Isgaarsiintii Kuunya-Barrow, Sababta,?

0

Kooxda Alshabaab ayaa Hawadda ka saaray Isgaarsiinta Deegaanka Kuunya Baroow iyo Tuulooyinka ku dhow dhow ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe, Aadan Cumar Madoobe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Sababta ay Al-shabaab Hawada uga saareen Isgaarsiinta ay tahay in aan la Ogaan Xogta Khasaarihii Kooxda Al-shabaab ka soo gaaray Duqaymo shalay lala beegsaday Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Kooxdooda ka tirsan. Wuxuuna Gudoomiyuhu sheegay in Duqayntaasi ay khasaaro xoog leh ka soo gaartay Kooxda.

Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Maraykanka ayaa Shalay Duqayn la beegsaday Deegaanka Kuunyar Baroow, Waxayna Afhayeen u hadashay Taliska AFRICOM sheegtay in Duqayntaasi ay xaqiijiyeen inaysan waxyeelo ka soo gaarin Dad Shacab ah, Iyadoona intaasi ku dartay inay dileen illaa iyo 6 Horjooge oo Kooxda Muhiim u ahaa. balse ma aysan faah faahin Magacyadooda.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Kooxda Alshabaab, waxaase la rumaysan yahay in Duqayntaasi ay khasaaro xoog leh ka soo gaartay Kooxda Alshabaab.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.