Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Argagixisadda Ma Waafaqsan yahay Shuruucda iyo Xeerarka Dalka,?

0

Hindisa Sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada ee Golaha Wasiiradu u gudbiyeen Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta loo qeybiyay golaha Shacabka.

Sharcigaas oo ujeedadiisu tahay sida ku qoran araarta hore ee Sharciga Sugida Amaanka Qaranka oo hada loo arko in ay leedahay mudnaanta 1aad, laakin arinta muhiimka ah oo ay waajibka tahay in marwalbo maanka lagu hayo marka la doonayo in si hagaagsan loo sugo Amaanka Qaranka waa ilaalinta Xuquuqda Aadana, oo ayaduna ka mid ah arimaha leh mudnaanta 1aad, sidaa darteed sharci kasta oo ujeedidiisu tahay Sugida Amaanka Qaranka waa in uu isku dheeli tiraa Sugidda Amaanka Qaranka iyo Illaalinta Xuquuqda Aadanaha.

Hadaba waxaa muhiim ah in Baarlamaanka Soomaaliya oo iskugu jiro Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare inay si taxadar leh u akhriyaan sharcigan, ayaga oo maanka ku hayo tacadi kasta oo ku imaan karo Xuquuqda Muwaadiniinta inay iyagu mas’uulka ka yihiin, Xildhibaanaduna waa in ay iswaydiiyaa marka ay aqrinayaan Sharcigan Su’aalahan

: 1- Sharcigan ma waafaqsan yahay Cutubka 2aad ee Dastuurka KMG oo ku saabsan Xuquuqda Aadanaha?

2- Sharcigan ma waafaqsan yahay Cutubka 14aad ee isla Dastuurka oo ka hadlayo Mabaadii’da Saldhiga u ah Amaanka Qaranka ?

3- Sharcigan ma waafaqsan yahay Heshiisyada Caalamiga ah ee Xuquuqda aadanaha ee Dowlada Soomaaliya ay Meel marisay?

4- Sharciga ma waafaqsan Shuruucda dalka ee kale sida Xeerka Ciqaabta, Xeerka Habka Ciqaabta iyo Xeerka Nabadgalyada guud?

Dul mar Guud oo dag-dag ah oo Maanta aan ku sameeyay hindisa sharciyeedkan waxaa ii soo baxday Arimahan:

A- Sharciga si cad oo faahfaahsan u ma qeexayo Erayga argagaxiso, qeexitaanka sharciguna ma aha mid cad, oo kooban ( clear and precise), Qeexitaanka Argagaxisaduna waa arinta ugu muhimsan oo ay ahayd in Sharciga si cad u xuso.

B- Sharcigan waxaa isku dhax jiro Qaanuunka Mowduuciga ah( substantive) iyo Qaanuunka Babka qaadista Dacwada ( procedural), waana arin aan sax aheyn in labadaas Hal Qaanuun isla noqdaan.

C- Dambiyo badan oo Qaanuunkaan lagu sheegay ma aha dambi Argagaxiso xitaa xiriir lama lahan arimo Amini tusaale, fiiri Qodobka 15aad ee Hindisa Sharciyeedkan oo ka hadlayo is hortaag Cadaaladeed.

D- Qeybta 3aad ee Sharcigan oo dhan waxay si toos ah u khilaafsan tahay cutubka 2aad ee dastuurka.

Talo soo jeedin: Waxaan talo ku soo jeedinayaa arimaha soo socdo:

1- Sharciga Argagixisada waa in la waafajiyaa Dastuurka Gaar ahaan Cutubka 2aad oo ka hadlaya Xuquuqda iyo Xoriyadda Asaasiga ah iyo Cutubka 14 aad oo isna ku saabsan Mabaa’diida Guud ee Saldhiga u ah Aminiga Qaranka.

2- Qodobada Sharcigan waa in ay ku saabsanaadaan oo kaliya Dambiyada Argagixisa iyo Ciqaabta Dambiyadaas (substantive issues).

3- Arimaha Ku saabsan Habka Sida Baarista Dambiyada, Dacwad Qaadista Iyo Caddaymaha la isticmaalayo ((procedural issues)) Waa in loo Dhaafaa Xeerka Habka Ciqaabta caadiga ah.

4- Soo Xirista Iyo Baarista waa in loo dhaafaa Saraakiisha Booliska oo kaliya , Hay’ada Nabadsugida waa in aysan wax kaalin ah ku yeelan Arimahan sida uu qabo XHC ee caadiga ah.

W.Q: Avv Dahir M. Ali

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.