Golaha Shacabka oo billaabay ka doodista Qadiyada Qalbidhagay, Akhriso Dooda.

0

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay doodad ku aadan dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax.

Kulankaan waxaa shir guddoominaya guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana soo xaadiray 175 mudane.

Xildhibaannada ayaa hadda bilaabay doodda ku aadan Qalbi Dhagax, iyadoo mudanayaal dhowr ah ay is qoreen.

Xildhibaan Axmad Macalin Fiqi oo ka mid ahaa Mudanayaasha Goobta ka hadlay ayaa ku tilmaamay Go’aankii Xukuumadda mid lagu dagdagay oo aan laga fiirsan, ayna waajib tahay in Baarlamaanku ay saxaan.

Xildhibaan Mahad Salad oo golaha shacbka u sheegay in heshiisyada ay xukuumadda Kheyre Ku mar-marsiyooneyso ay yihiin sharci- darro aan lagu gelin magaca dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo soo jeediyay in xukuumadda Kheyre la aamino, arrinta Qalbi-dhagaxna lagu wareejiyo guddiga Amniga ee golaha.

Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo dalbaday in la keeno sharciga mujrim ama dambiile looga dhigay Qalbi-dhagax

Xildhibaan Khadiijo Diiriye: Heshiisyadii horay loo galay xukuumadda waxaa ay ku sameyneysaa dib-u-eegis, Golaha shacabkana xaq ayuu u leeyahay in uu sidoo kale dib-u-eegis ku sameeyo.

Xildhibaan Maryan Carif oo sheegtay in dowladda ay mas’uul ka tahay Amniga iyo siyaasadda dalka iyada oo intaasi raacisay in wixii dhacay ay qalad ahaayeen balse aan dowladda loo dumin Karin

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo xildhibaanada weydiiyay sidee arrinta qalbi-dhagax looga doodi karaa iyada oo aan laheyn nuqulka heshiisyadii la galay

Ibrahim Yarow oo sheegaya in ay tahay in Amniga iyo siyaasadda dalka looga dambeeyo xukuumadda, shacabkana aaney arrintaasi qalad ka fahmin

Xildhibaan Cabdiqadir Baqdadi oo xukuumadda Ku dhaliilay arrinta Qalbi-dhagax isaga oo intaa raaciyay in qadiyadda meesha ay ka istaagtay xukuumadda ay qalad aheyd.

Xildhibaan C/rashiid Xidig ayaa si kulul u hadlay, wuxuuna sheegay inaysan jiri doonin Soomaalinimo dambe, haddii uusan arrintan ka dhiidhin Baarlamaanka Soomaalia, wuxuuna sheegay inay lagama maarmaan tahay in Go’aan mid ah ay qaataan Baarlamaanka, si loo badbaadiyo Qaranimadda uu sheegay inay haadaanta ka tuureen Xukuumaddu.

Xildhibaan Afaraale ayaa isna ku tilmaamay Go’aankii Xukuumadda mid sax ah oo ay tahay in la ayido. Wuxuuna Xildhibaanadda kula taliyay inaysan ka hor imaan Xukuumadda.

Xildhibaan Warsame Joodax ayaa isna soo jeediyay in Arrinta Qalbidhagax looga dambeeyo Xukuumadda Somalia.

illaa iyo in ku dhow 30 Xildhibaan ayaa hadashay illaa iyo hadda waxayna marka laga reebo 6 Xildhibaan oo kala ah Khadiijo Maxamad Diiriye, Afaraale, Cali Xoosh, Ibraahim Yaroow, Warsame Joodax iyo C/laahi Goodax ay intooda kale isku raacsanaayeen inay sharci darro ahayd in Muwaadin Soomaali ah loo gacan galiyo Itoobiya, iyagoona dalbanayay in Xisaabtan dhab ah lala yeesho Xukuumadda Somalia.

Doodda Xildhibaanadda ayaa wali socota, waxaana laga yaabaa inaan Maanta Go’aan laga gaarin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.