Doodii Xildhibaanaddu ay ka lahaayeen Qadiyadda Qalbidhagax oo la soo gabagabeeyay

0

Doodii Xildhibaanada Golaha shacabka ay ka lahaayeen qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax ayaa soo dhamaatay, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in arrintan loo saaray Guddi.

Xildhibaanada ayaa doodooda aad ugu kala aragti duwanaa, qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ku doodaya in go’aankii Xukuumadda uu ahaa mid aan sharci aheyn, isla markaana ay khalad aheyd in dowladda Soomaaliya u gacan geliso Sarkaalkii ONLF ka tirsanaa dowladda Itoobiya.

Sidoo kale Xildhibaano kale ayaa difaacayay go’aanka Golaha Wasiirada gaareen 6-dii bishan, iyagoo qaarkood ku taageeray.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gaba gabadii markii dooda dhamaatay waxaa uu ku dhawaaqay in arrintan ay guddi u saareen, isla markaana Guddiga marka uu arrintan ka soo tala bixiyo natiijada loo soo gudbinayo Xildhibaanada

Guddigan ayaa la filayaa inay ka yimaadaan Guddiyada joogtada ee golaha shacabka, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamanaka uu sheegay in xubnaha Guddiga ay dib ka soo sheegi doonaan.

Guddiga ayaa dib ugu noqon doona Dastuurka iyo Xeerarka kale ee Dalka waxay ka qabaan Go’aankii Xukuumadda. Waxaana kadib ay soo diyaarin doonaan Qodobadda Shuruucda Dalka ee ka hadlaya arrimahan, iyagoo Xukuumaddana wax ka waydiin doona Go’aanka ay qaateen, iyo Sharci ahaan waxay u cuskadeen.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirtay sidii arrintan xal looga gaari lahaa, isla markaana go’aankii ay gaartay loo aqbali lahaa, hase ahaatee waxaa arrinta ku soo biyo shubatay in Guddi loo saaro.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.