Diyaarado Dagaal oo duqeeyay Deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.

0

Diyaarado Dagaal oo aan illaa hadda la aqoonsan dalka laga leeyahay ayaa duqeeyay Deegaanka Kuunyabaroow oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Warar ay ka heshay HornAfrika Sirdoonka Somalia ayaa sheegaya in Duqaynta lala bartilmaameedsaday Goob ay ku shirayeen Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Alshabaab, Waxaana halkaasi lagu burburay gabi ahaanba goobtii la bartilmaameedsaday, iyadoona sidoo kale lagu laayay halkaasi dhamaan dadkii ku sugnaa.

Ma jiro cid sheegatay Weeerarkaasi, sidoo kale Kooxda Alshabaab ayaan ka hadlin Duqayntan illaa iyo hadda, mana jiraan Illo madax banaan oo xaqiijin kara in Goobta la duqeeyay ay ku sugnaayeen Alshabaab.

Maraykanka ayaa kordhiyay Duqaymaha uu ka gaysanayo Somalia, Waxaana Duqayntii ugu dambaysay ee ka dhacday Shabeelaha Hoose lagu laayay Dad Beeraleey ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.