Dagaal Culus oo ka dhacay Duleedka Baladwayne.

0

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka Soomaaliya iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Far-libaax oo ku yaala duleedka Magaalada Beledweyn ee Xarunta Gobalka Hiraan.

Taliska Military-ga Soomaaliya ee gobalka ayaa sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii ay Ciidanka Soomaaliya ay weerar ku qaadan Fariisin Shabaabka doonayeen in ay ka samaystaan deegaankaasi kadibna uu halkaasi dagaal ka dhacay.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac sida ay noo sheegeen goob joogayaal Far-Libaax ku sugan.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degaanka Far Libaax Cawaale Isaaq Jirre ayaa u sheegay Wakaalada Wararka SONNA  in dagaalka uu ka dhacay Meel qiyaasta 25-km u jirta magaalada Beledweyne.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.