Akhriso Baarlamaanka oo Bari ka doodaya Qadiyadda Qalbidhagax, iyo Xukuumadda oo olole wada.

0

Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bari Fadhi ka yeelanaya Go’aankii ay Xukuumaddu 6-dii Bishan ku cadaysay inay Qalbidhagax ku wareejisay Itoobiya, una aqoonsatay Ururka ONLF argagixiso.

Fariin Qoraaleed loo qaybiyay goor dhawayd Xildhibaanadda ayaa lagu wargaliyay in bari uu jiro Fadhiga Baarlamaanka, Waxayna u qornayd Fariinta sidan:-

“M.ne Xildhibaan Berri oo ah Arbaco Tr. 13/9/2017 Saacadda: 09:00am waxaa jira Kulanka Guud ee Golaha Shacabka. Ajendaha: Ka Doodista Qaraarkii Xukuumadda JFS kasoo baxay 06/09/2017. Faahfaahin wac:______”

Kulankii kan ka horeeyay ayaa u baaqday Kooram la’aan, kadib markii 30 Xildhibaan oo qaarkood ay Wasiiro yihiin, isla markaana taageersan Go’aanka Xukuumadda ay diideen inay saxiixaan Buugga ka qayb galka, Waxaana saxiixay Buuga 105 Xildhibaan oo ka soo horjeeday Go’aanka Xukuumadda, balse Kulanka bari ayaa lagu soo waramayaa inuu ku culays badan yahay kii baaqday, maadaama ay ku soo biireen Xildhibaanadda ka caraysan Go’aankii Xukuumadda illaa iyo 50 Xildhibaan oo ka kala yimid Nairobi iyo Sucuudiga oo ay Xaj u jireen.

Dadka Falanqeeya Siyaasadda ayaa aaminsan in Kulanka bari ay dhici karto, isla madasha in Go’aan looga gaaro Xukuumadda Somalia in Kalsoonidda laga laabto iyo in kale, Waxayna u muuqataa Aqlabiyadda Baarlamaanku inay u arkaan Xukuumadda Khayre inay gashay Qiyaano Qaran, taasoo ay dhici karto inay sababto in Kalsoonidda laga laabto Xukuumadda aan jirin Sannadka.

Xukuumadda uu hogaamiye Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo intii ay jirtay wax badan u qabsoomeen ayaa mar qura waxaa soo wajahay Fadeexado xooggan oo 80% ay ku lumisay Taageeradda Shacabka iyo Xildhibaanadda, kadib markii ay Xusuuqii ka dhacay Jubooyinka ee Diyaaradaha Maraykanku duqeeyeen Shacabka ku tilmaantay Weerar lalal beegsaday Argagixiso, sidoo kale Weerarkii Bariire Dadkii Beeralayda ahaa ee lagu xasuuqay u aqoonsatay Alshabaab la laayay, Muwaadin Soomaali ah oo ka tirsanaa Ciidamadda Xoogga u dhiibtay Itoobiya. Waxay sidoo kale caradda Xildhibaanadda iyo Shacabka sii korortay markii ay is hortaag ku samaysay Fadhigii Baarlamaanka ee looga hadli lahaa Qadiyadda Qalbidhagax.

Xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre ayaa illaa iyo hadda wada olole ay ku raadinayso in Baarlamaanka ay taageero uga hesho Go’aankeedii ay ku dhiibtay Qalbidhagax.

Baarlamaanka Somalia ayaa intiisa badan isku waafaqsan inay ahayd Qiyaano Qaran wixii ay samaysay Xukuumaddu, balse waxaa jira Tirro Xildhibaano ah oo u arka Maslaxad Go’aankii Xukuumadda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.