Faahfaahin Qarax ka dhacay Agagaarka Hotel Wehliye+Sawiro.

0

Qarax loo adeegsaday Gaari la dhigay Wadada dhinaceeda ayaa ka dhacay Wadada Mashquulka badan ee Maka Al-mukarama gaar ahaan  ka soo horjeedka Maqaayad lagu Magacaabo Xadra-mindi oo ku dhagan Hotelka Weheliye Ee Magaalada Muqdisho.

inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay Qaraxaasi 1 Qof, 4 Kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray, Waxaana markiiba goobta soo gaaray Gaadiidka Gurmadka Degdega ah oo qaaday Dhaawacyadii, iyadoona goobta ay xireen Ciidamadda Amaanka.

Todobaadyadii u dambeeyay wadada Maka Al-Mukarama oo ah wado aad u mashquul badan, halbowlena u ah isu socodka magaalada ayaa waxay bartilmaameed u aheyd qaraxyada loo adeegsado Baabuurta waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.