Xildhibaano faro badan oo Maanta Muqdisho ku soo laabtay, Maxay ka dhigan tahay soo laabashadooda,?

0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenkii hore, Maxamad Cumar Carte oo hogaaminayo Xildhibaano gaaraya 25 ayaa maanta soo gaaray Muqdisho,

Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa horay uga carooraday go’aankii Golaha wasiirada ee dhiibistii Qalbidhagax kaasoo lagu tilmaamay khiyaano Qaran.

Xubnahan oo u badan kuwo xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii dalka soo maray ayaa waxaa imaanshahooda soo dadajiyay kalfadhigii baarlamanka oo shalay u baaqday kooram la,aan,

Xildhibaano u badan kuwa ka soo horjeeda Go’aanka Xukuumadda ay ku dhiibtay Muwaadin C/kariin Qalbidhagax ayaa kaga hortagay Maxamad Carte iyo Xildhibanadda la socday Garoonka Aadan Cadde, kadibna waxaa loo galbiyay goob loo diyaariyay soo dhawayntooda, Iyadoo Goobta loo diyaariyay lagu xardhay hal ku dhigyo ka dhan ah xukuumadda kheyre, Waxaana goobta soo buux dhaafiyay Xildhibaanadda u ololaynaya Qadiyadda Qalbidhagax.

Sabtidii ayaa Fadhiga Baarlamaanka waxa uu u baaqday Kooram la’aan, kadib markii 105 Xildhibaan ay saxiixeen Buugga ka qayb galka, taasoo ka dhigan inay ka dhimanayd Kooramka inuu buuxsamo 13 Xildhibaan. Waxaana imaanshaha Xildhibaanaddan uu meesha ka saarayaa in Kooram la’aan ay dhacdo Arbacadda, iyadoona haddii cod la galiyo Jiritaanka Xukuumadda Khayre ay ku dhici karto inay diidaan 50+1 oo ah kala bar tiradda Xildhibaanadda oo 1 lagu daray. Waxaana muuqanaysa in hadda ay ka badan yihiin intaas Xildhibaanadda diidan Xukuumadda Khayre hogaamiyo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.