Gaari Wasiir oo lagu weeraray Dharkeenleey, Maxaa Khasaare ah oo ka dhashay,?

0

Gaari Nooca Raaxadda ah ayaa lagu weeraray Agagaarka Suuq Liif ee Degmadda Dharkeenleey, Waxaana ka dhashay Weerarkaasi Khasaare.

Gaariga la weeraray ayaa loo xaqiijiyay HornAfrik inay lahayd Wasiiradda Caafimaadka Galmudug, Niciimo Maxamad Catoosh, Waxaana uu ka yimid Gaariga Garoonka Muqdisho, halkaas oo uu ka soo qaaday Aabaha dhalay Wasiiradda Maxamad Maxamuud Catoosh oo Dalka Dibadiisa ka yimid.

Catoosh ayaa u yimid Muqdisho inuu soo booqdo Gabadhiisa oo uusan waqti dheer arkin, balse Koox hubaysan ayaa intii uusan gaarin Guriga Gabadhiisa u galay Jidka, dabeetana ku hor jaray Gaarigii uu saarnaa Gaari kale, halkaasna kula beegsaday Rasaas Xooggan. iyadoona Weerarkaasi uu ka soo gaaray Catoosh dhaawac culus, siday Eheladda Wasiiraddu u xaqiijiyeen HornAfrik.

Dhaawaca Maxamed Maxamuud Catoosh  ayaa hadda lagu Dabiibayaa mid kamida Goobaha Caafimaad ee Magaalada Muqdisho.

Niciimo Catoosh-Wasiirka Caafimaadka Galmudug ayaan saarnayn Gaariga xilliga la weerarayay. Waxayna ku sugnayd Gurigeeda oo ay ku sugaysay Aabaheed oo lagu soo qaaday Gaarigeeda.

Weerarkan ayaa ah kii 2-aad ee ka dhacay Degmadda Dharkeenleey Maalmo isku xiga, Waxaana dhowaan isla degmadda lagu weeraray Gaariga Gudoomiye Ku Xigeenka Arrimaha Bulshadda ee Degmadaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.