Faahfaahin dheeriya oo ka soo baxaysa Qarixii ka dhacay Baladwayne.

0

Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, iyadoo qaraxan uu geystay qof jaakadaha qarxa xirnaa oo isku qarxiyay afaafka hore ee xarunta maamulka Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan naftii haligaha ah uu beegsaday dad ku sugnaa maqaayad shaaha lagu cabo oo ku taal agagaarka xarunta maamulka Gobolka Hiiraan, iyadoo jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goob joogayaal ayaa sheegaya inay maqleen qarax xooggan oo ka dhacay agagaarka xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan, iyadoo ciidamada ammaanka ay goobta xireen.

Qaraxan ayaa dadka ku waxyeeloobay waxaa ka mid ah Wariyayaal ay ka mid yihiin, C/shakuur Maxamad oo u shaqaynayay Star FM,  C/qaadir Cumar Ibraahim-RTN, C/laahi Cismaan Macalin-Jubbaland TV iyo dad kaloo shacab ah.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim baadiyow ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen labo ruux oo shacab ah, iyo qofkii is qarxiyay.

Isbitaalka magaalada Beledweyn ayaa waxaa la dhigay dhaawacyada illaa 15 ruux, kuwaasoo qaarkood dhaawacyadooda ay culus yihiin.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa ismiidaaminta ee ka dhacay afaafka hore ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana ay ku tilmaamtay inay ku bartilmaameedsadeen saraakiil ka tirsan Sirdoonka Maamulka gobolka.

Qaraxan ismiidaaminta ayaa ah kii labaad uu fuliyo qof xiran jaakadaha qarxa, iyadoo jimcihii la soo dhaafay uu qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay meel maqaaxi ah oo ku taal magaalada Baydhabo, halkaasoo ay ku dhinteen illaa afar ruux.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.