Akhriso Dukumintiyo Sir ah oo Muujinaya Dadkii ay dileen Alshabaab iyo kuwa u qorshaynaa.

0

Saldhig ay ku lahaayeen Kooxda Alshabaab Duleedka Muqdisho oo lagu duqeeyay Horjooge Cali Jabal ayaa laga helay Dukumintiyo Muhiim u ahaa Kooxda oo muujinaya Dadka ay dileen, iyo kuwo u qorshaysaa inay dileen, Waxaana sidoo kale Dadka qaarkiis kula hor qoran in isaga iyo Qoyskiisaba la laayo. Taasoo ah ficil muujinaya arxan daradda Kooxda.

Dukumintigan ayaa waxaa ku qoran Saraakiil Ciidan iyo Wariyayaal, waxaana Qaarkood adag in la aqoonsado Magacyadda ku qoran maadaama ay waqti hore ahaayeen oo ay jeex jeexmeen, isla markaana lagu duqeeyay halkii ay yaaleen. Waxaana ku jira Liiskan dad ay waqti hore dileen, iyadoona Dadka ay dileen ay Qalin kula hor qoreen Erayo ay ka mid yihiin waa la dilay, Xaqaa laga oofiyay, iyo Calaamad Sixitaan ah, halka dadka ay dhaawaceena ay saareen Astaamo ay ku qoran yihiin Sixitaan, Waxaa sidoo kale Dadka qaarkiis ku qoran inay iskood u dhinteen, laakiin Qoyskiisu ay dhiman tahay in la bartilmaameedsado, Waxaana Dukumintiyadan oo loo soo dusiyay HornAfrik aan marka hore idiin diyaarinay Magacyadda ku qoran, kadibna Dukumintiyadda oo Rasmi ah ayaad gabagabadda qayb kasta arkaysaan.

Liiska Saraakiisha

Gen Maxamad Cabdi Maxamad

Gen Yuusuf Axmad Sareenle

Col Maxamuud Cabdinuur Bataar

Col Amiin Siid Axmad

Dhamme Maxamad Aadan

Col C/laahi Maxamad Warsame Neero

Col Ismaaciil Xaaji Cismaan

Col Axmad Ugaas Foodeey

Col Xirsi Maxamuud Cumar-Xirsi Dhoore

Col Maxamad Cismaan Coon

Gen Axmad Jilacoow Cadoow

Col Maxamad Maxamuud Raage Coon

Col Abuukar Maxamad Xuseen-Abukar Dheere.

Liiska Wariyayaasha

Daahir Cabdulle Calasow

Axmad Cabdisalaan Aadan

Mahad Axmad Cilmi

C/xakiin Cumar Jimcaale

Bashiir Nuur Geedi

Falastiin Axmad Xaaji

Farxiyo Cali Qaajo

C/casiis Maxamuud Guuleed

Cismaan Xasan Wehliye-Xasan Bariise.

Siciid Tahliil Axmad

Axmad Cumar Xaashi-Axmad Taajir.

Cali Muuse Cabdi

Maxamad Muxyidiin Cali

Cabaas Nuur Galayr

Cilmi Cismaan Faarax Boodhari

Aways Maxamad Nuur Foodeey

Maryan Maxamuud Qalanjo

C/casiis Dhoore

Axmad Yare

Muxyadiin Xusni

Magacyo dhawr ah ayaa tirtiran halkaas marka la marayo

Yaxye Cali Faarax

Yuusuf Fareey

Magac Tirtiran

Magac qayb ahaan tirtiran, laakiin aan u garanay inuu yahay Maxamad Abuukar

3 Magac kale ayaa tirtiran halkaas.

Muna Cumar

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.