Xog: Ogoow sababta uu u furmi waayay Kulankii Baarlamaanka ee Maanta.

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Xukuumadda inay ka dambeysay in kooram la’aan uu u baaqdo kulankii maanta loo madlanaa ee ajandihiisu ahaa arrinta C/kariin Qalbi Dhagax iyo go’aankii Xukuumadda ka qaadatay.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadii tagay xarunta Golaha shacabka ayaa sheegay in wixii maanta dhacay ay mas’uuliyadeeda leedahay Xukuumadda, isla markaana waddooyinka si ku tala gal loo xiray.

Waddooyin dhowr ah oo magaalada Muqdisho ka mid ah ayaa saaka ay ciidamada xireen, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi ayaa sheegtay in Baarlamaanka oo la filayay inuu ka hadlo tallaabadii ay dowladda ku dhiibtay C/kariin Qalbi Dhagax laga hor-joogsaday, isla markaana jid walba laga xiray.

“Umadda meel kasta ay joogaan waxay sugeyaa in Baarlamanaka uu hadlo, ka doodo wixii dalka ka dhacay ee ah arrinta ay sameysay dowladda, maanta waxaa dhacday in jid walba loo fariistay in Baarlamaanka xaruntiisa la soo geli waayo, Xukuumaddana iyadaa dadka dhahayay ha saxiixina, markii xarunta la yimid”ayay tiri Xildhibaan Canab Xasan Cilmi

Sidoo kale Xildhibaan Zakariye Maxamuud ayaa sheegay in xubno ka rirsan Xukuumadda oo Xildhibaano ah ay diideen inay saxiixaan buugga diiwaanka, isagoo xusay in arrintan ay aheyd mid mas’uuliyad darro ah.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo baaqashada kulanka ka hadlaya waxaa uu sheegay “Kooramka waxaa uu u baaqday Xildhibaanno soo xaadiray oo hadana aan saxiixin buuggii is-xaadirinta, arrintaas uu tillaabo ka qaadi-doono guddoonka”.

Xildhibaan Dhalxa oo ka hadlay arrinta ONLF waxaa uu ku dheeraaday sida jabhadaasi looga taageeray gudaha Soomaaliya oo weligeed u aheyd xaq-u-dirir, go’aanka xukuumadda oo jabhadda waxaa uu ku sheegay mid aan laga fiirsan, oo ku soo laaban doonta xukuumadda.

Xildhibaan Mahad Salaad oo isna caro ka muuqato ayaa ku qeyliyay “Waxaa meeshan ka dhacay in wasiirradii inta la soo adeejiyo, iradaha laga galo golaha shacabka istaagaan, oo  ay Xildhibaannada qof, qof  gacanta uga dhagaan, oo ay yiraadaan, Yaan la saxiixin, Yaan laga qeyb-qaadan furitaanka kulanka baarlamaanka, ayadana ceeb 2aad oo meeshan ka dhacday ayey aheyd, waxaan rabnaa in aan umadda Soomaaliyeed u sheegno, wixii meeshan ka dhacay maanta mas’uuliyadeeda waxaa qaadanaya xukuumadda iyo dadka ay soo adeejiyeen”

Dhinaca kale, qaar ka mid ah Xildhibaannada golaha shacabka ayaa sheegay in Kooramka aanu u buuxsamin sababo la xiriira fasaxa iyo Xajka oo la aaday.

Dad badan ayaa aaminsan in hadii Kulanka Baarlamaanka uu maanta furmi lahaa in doodo adag ay dhex mari laheyd Xildhibaanada, taasna ay horseedi laheyd marka dooda la soo gaba gabeeyo in Guddoonka Baarlamaanka uu cod geliyo go’aanka Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa ONLF, kaasoo bishii hore loo gacan geliyay dowladda Itoobiya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.