Maamulka Gobalka Banaadir oo Lacagta ugu badan ku bixiyay Gaadiidka aan Xabaddu karin, Akhriso

0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, Thaabit Cabdi ayaa billaabay Qaybinta Gaadiid isugu jira kuwa aan Xabaddu karin, Baabuur Dul Banaan iyo LandCruisers, kuwaasoo la siinayo Xubno ka tirsan Maamulkiisa iyo Dhalinyaro Qurbo joog ah.

Gaadiidkan ayaa lagu waramayaa inay ku baxday Miisaaniyad dhan 1 Milyan  iyo 140 Kun oo Doolar, taasoo laga bixiyay Khasnadda Dowladda Hoose ee Muqdisho. Waxayna ka kooban yihiin Gaadiidka la soo gaday,  6 Landcruiser GXR Model 2015 oo ah kuwa aysan Xabaddu karin oo kiiba ku fadhiyo $85,000, iyo 18 Toyoto pickup Model 2017, kiiba waxa uu ku fadhiyaa $35,000, Waxayna isu gayn noqonaysaa Lacag ka badan 1 Milyan oo Doolar.

Gaadiidkan waxaa loo qaybiyay Xubno ka tirsan Maamulka Gobalka, Gabdho iyo Wiilal Qurbo Joog ah oo ay Duqa Muqdisho saaxiibo ahaayeen.  Waxaana Qandaraaska keenista iyo soo iibinta Gaadiidkan qaadatay Shirkad Gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Buubaal Motors.

Lacagtii waa tii ugu badnayn ee Dowladda Hoose ee Muqdisho ku bixiso Gaadiid aan loogu shaqaynayn Dadka Muqdisho ee Canshuurta laga qaado. Waxayna Iibinta Gaadiidkan imaanaysaa Xilli aysan Dowladda Hoose Shaqaalaheedu dhowr Billood Mushaar Qaadan, Isla markaana aysan jirin Adeegyo Dadwayne oo ay bixiso Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Ma jirto cid la xisaabtanta Hay’adaha Dowliga ah halka ay ku bixiyaan Dhaqaalaha Shacabka, Waana sababta ay u diideen Bank ga Adduunka iyo IMF ay Dhaqaale toos ah siiyaan Somalia, iyadoo lagu xiray in Somalia ay marka hore noqoto Dal Nadiif ka ah Musuqmaasuqa,

Dhaqaalaha ay Beesha Caalamku ugu yaboohaan Somalia looma gacan galiyo Dowladda Somalia, waxaa loo soo marsiiyaa Hay’ado, kuwaasoo ku fuliya Mashaariic, sababtoo ah wali Somalia waxay kaga jirtaa meel sare Dalalka uu la dagay Musuqmaasuqu.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.