Weerar is qarxin ah oo galabta ka dhacay maqaayad ku taal magaalada Baydhabo

0

Weerar ismiidamain ah oo uu fuliyay nin naftii hure ah ayaa galabta ka dhacay maqaayad ku taal bartamaha magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Qof naf tiihure ah oo xirnaa jaakadaha qarxa ayaa isku qarxiyay maqaayada, xilli dad badan ay fadhioyeen.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen dad dhowr ah, inkastoo aan la ogeyn tiro rasmi ah.

Maqaayada la qarxiyay ayaa ku taala agagaarka Dahabshiil oo ku dhow Afar Irdoodka Baydhabo, halkaasoo ka mid ah goobaha aadka u camiran ee faras magaalka ah.

Dhowr jeer oo hore ayaa qaraxyo ismiidaamin lala beegsaday agagaarka Dahabshiil oo ay ku yaallaan maqaayado ay dadka aad u fariistaan xilliyada galbihii.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.