Doorashadda Hirshabelle oo aan loo hayn Dhaqaale, Sababta?

0

Guddiga doorashada madaxeynaha mamulka Hirshabelle ayaa sheegay in aysan xilligan hayn dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashada madaxweynaha ee mamulkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka guddigan Abukar Xasan Cali ayaa sheegay  in howsha qaban qaabada doorashada ay meel wanaagsan marayso, balse weli aanay hayn dhaqaalihii howlahaasi lagu furdaamin lahaa.

Waxa uu sheegay Abukar in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka dalbadeen iney ka caawiso dhanka dhaqaalaha balse weli aanay wax jawab ah ka helin.

Dhanka kale, gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashada Hirshabelle ayaa sheegay in dhaqaale la’aan aanay u hakan doonin doorashada oo 12-ka bishan doorashada ku dhici doonto sidii loogu talo galay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.