Maraykanka oo sheegtay inay duqayn ku dileen Xubno ka tirsan Alshabaab.

0

Duqeyn diyaaradeed oo ay fulisay diyaarad Drone ah oo Mareykanka laga leeyahay ayaa sababtay geerida seddex xubnood oo la heegay  inay Al Shabaab ka tirsanaayeen.

War qoraal ah oo ay soo saareen taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu xaqiijiyay in weerarkaasi uu dhacay subaxnimadi talaadada,waxaana ka dhashay dhimashada seddex xubnood oo Al Shabaab ka tirsan.

Anthony Falvo, oo ah afhayeen u hadlay taliska Mareykanka ee Africa ayaa u sheegay AP in goobta ay weerareen in rayid aysan ka dhaweyn, sidoo kalana ay baarayaan magacyada seddexda xubnood ee duqeynta lagu dilay.

Wuxuu sheegay in xubnaha la weeraray ay halis ku ahaayeen ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala gobolka Baay oo duqeynta ay ka dhacday.

Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah Al Shabaab ee gudaha dalka Soomaaliya, kadib markii awood dheeri ah uu ansixiyay madaxweynaha dalkaasi.

Mareykanka ayaa dhawaan weerar ku dilay Sarkaalkii Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir, kaasi oo lagu magacaabi jiray Sheekh Cali Jabal.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.