Khayre iyo Sanbaloolshe oo laga dalbaday inay iscasilaan, Sababta,?

0

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Somalia, Maxamad C/laahi Farmaajo ayaa ka dalbaday Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Taliyaha NISA, C/laahi Sanbaloolshe inay u keenaan Warqadahooda iscasilaada.

Illo wareedyo ka ag dhaw Madaxtooyadda ayaa HornAfrik u xaqiijiyay in Kulan ay qaateen Madaxwaynaha, Raiisul Wasaaraha, iyo Taliyaha NISA uu ku dhamaaday Natiijo la’aan, kadib markii ay ku gacan sayreen dalabka Madaxwaynaha oo ahaa inay iscasilaan, Waxaana Khayre uu si cad uga hor yimid inuu isku casilo Fadeexadii Qalbidhagax, taasoo sababtay in Kulankii Saaka lagu kala tago isfaham la’aan.

Raiisul Wasaare Khayre ayaa durba billaabay Olole xooggan oo uu isku difaacayo, Wuxuuna u yeertay Milkiilaha Hoteel Jaziira, Gaambe, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ay isku hayb yihiin, kuwaas oo uu ka raadinayo inay ku taageeraan Ololihiisa uu doonayo inuu ku difaacdo Xilkiisa.

Ma Cadda in Khayre uu ka badbaadi karo Baarlamaanka Somalia haddii Codka Kalsoonidda la galiyo inay sii jirto Xukuumadiisa iyo in kale, Wuxuuna qaatay Masuuliyada Fadeexadda dhiibitaankii Qalbidhagax oo ay si wayn uga caroodeen Xildhibaanadda Labada Aqal ee Somalia, iyo Shacabka Soomaaliyeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.