Ajandaha looga doodayo Kulanka Baarlamaanka ee Sabtidda oo la shaaciyay.

0

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka  ayaa lagu go’aamiyay dib u bilaabista kulamada baarlamaanka kadib markii loo hakiyay maalmihii la soo dhaafay gudashada waajibaadka xajka.

Sidoo kale guddiga joogtada ayaa isla gartay in ajandaha ugu horeeya ee maalinta Sabtida ay xildhibaanada baarlamaanka ka doodi doonaan uu noqdo arrimaha la xiriira Cabdikariin Qalbi Dhagax oo dhowaan loo dhiibay dowladda Itoobiya iyo go’aankii Xukuumadda ka qaadatay.

Dhinaca kale Guddiga ayaa isla gartay in xukuumada laga talo galiyo Hindise sharciyeedyo dhowr ah oo ay dhowaan Golaha Shacabka usoo gudbiyeen sidii loo kale siin-lahaa hortabinta (Aqrinta 1-aad).

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa muuqata inay ku kala aragti duwan yihiin arrimaha la xiriira u gacan gelinta Cabdikariin Qalbidhagax dowlada Itoobiya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.