Sarkaal ka tirsan NISA oo ku tilmaamay waxaan suurtagal ahayn in ONLF lala xiriiriyo Alshabaab.

0

Col Xuseen Macalin Damuumaaye oo ka mida Saraakiisha sarsare ee NISA ayaa ku tilmaamay wax uusan Caqliga Bini’aadamku oggolayn in lala xiriiriyo Ururka Gobanimo Doonka ah ee ONLF Kooxda Argagixisadda ah ee Alshabaab.

Damuumaaye waxa uu sheegay inay la mid tahay arrinta ONLF ayaa xiriir la leh Alshabaab warkii ahaa Sadaam Xuseen ayaa haysta Hubka wax burburiya.

Xuseen Macalin oo soo qabtay Xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin Taliye Ku Xigeenka NISA, La Taliyaha Madaxwaynaha ee Amniga, iyo Xoghaynta Guddiga Amniga Qaranka ayaa noqonaya Sarkaalkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo ka tirsan Ciidamadda Qalabka Sidda ee ka hadla Fadeexadda Qalbidhagax, kuna tilmaama mid aan ka gadmayn Shacabka.

Hadalka Xuseen waxa uu astaan u yahay inaysan Saraakiisha NISA ku waafaqsanayn Tallaabadda uu Taliyahooda Sanbalooshe Muwaadin Soomaali ah ugu wareejiyay Dowladda Itoobiya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.