C/kariin Guuleed oo si kulul uga jawaabay Heshiis ay Dowladu sheegtay inuu horay ula saxiixday Itoobiya.

0

Madaxwaynihii hore ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Heshiis la sheegay inuu la saxiixday Dowladda Somalia.

Mr Guuleed oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay inuusan isagu ka socon Dowladda Dhexe ee uu matalayay Maamulka Galmudug, halkaasna u tagay dhamaynta colaad u dhaxaysay Beelo Xadka wada daga. Wuxuuna sheegay inuu shaqsiyan u aqoonsan yahay Ururka ONLF gobanimo doon.

Halkan ka Akhriso Qoraal kooban oo uu ku qoran Bartiisa C/karin Guuleed.

NIN DAAD QAADAY XUNBO CUSKAY

Waxaa wax lala yaabo ah in Xukuumadda Soomaaliyeed qaladkii ay gashay ay rabto inay cuskiso kulana galgalato dad aan shaqo ku laheyn iyo in waliba qaladkii mid ka sii weyn oo sida muuqato lagu xalaaleynayo in dad kale oo nooc kasta ah lagu laayo laguna sii dhiibo, Haddaba maadaama aan ka mid ahay dadka magacooda lagu xusay Warmurtiyeedka Golaha Wasiirada Shirkoodii maanta waxaan halkaa ku cadeynayaa Arimaha soo socda
1. Ma jiro heshiis aan ku matalayey Dowladda Soomaaliyeed oo aan la galay Dowladda I0toobiya, anigu waxaan matayey Maamulkii aan Madaxda ka ahaa ee Galmudug, maadaama aan Maamulkaa matayeyna Dowladda Dhexe heshiis uma soo qaadin umana soo qaadi karin.
2. Heshiiskeeni waxuu ku saabsanaa Dajinta xasarad qabaa,il oo ka taagneyd xuduudda, ee marnaba kuma saabsaneyn:
A. Isweydaarsi Maxaabiis iyo isku gudbin Danbiilayaal toona.
B. In Ururka OLNF uu yahay Urur Argagaxiso waayo anigu Ururkaas uma aqaano uma aqoonsani Urur Argagaxiso ah sidoo kale Ururka OLNF uma aqaano UBBO ee waxaan u aqaana Urur u halgamaya Qadiyad uu leeyahay, urur kastana sax iyo qalad waa yeelan karaa.

Waxaa xusid mudan in markaan joognay Jigjiga aan mowqif wac iska taagnay arinka in heshiiska lagu daro in Ururka OLNF uu argagaxiso yahay.

Haddaba waxaan dhihi lahaa go,aanka golaha Wasiirada iyo isku daygooda inay cuskiiyaan heshiiskaas waa NIN DAAD QAADAY XUNBO CUSKAY.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.