Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare oo u ololaynayay arrinta Qalbidhagax oo isku day Dil ka badbaaday.

0

Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xuseen Cali Xaaji ayaa goor dhow ka bad baaday isku day dil, kaddib markii gaari uu saarnaa lagu rasaaseeyay degmada Hodan.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga Xildhibaanka lagu hor-jaray gaari ay saarnaayeen kooxo hubeysa, meel ku dhow Isbitaalka Masaarida ee u dhow Tarabuunka.

Rasaasta lagu furay gaarigiisa ayaa waxaa ku dhaawacmay darawalkiisa iyo gabar uu adeer u yahay oo la geeyay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho.

Senator Xuseen Cali Xaaji oo si kooban ula hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in hada uu caafimaadkiisa qabo, isla markaana gaari uu la socday la weeraray.

Xildhibaanka la weeraray ayaa ka mid ahaa Xildhibaano si wayn uga carooday in Muwaadin Soomaali ah lagu wareejiyo Itoobiya, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay Weerarka lala beegsaday.

Weerarada lagu fuliyo gaadiidka ee ay adeegsadaan kooxaha hubeysan ayaa muddooyinkii u dambeeyay hoos u dhac ku yimid, waxaana weeraradan sanado ka hor lagu qaarijiyay saraakiil iyo xildhibaano

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.