Wariye Boqorka Bartahama oo lagu wado in lagu soo celiyo Somalia, kadib markii uu dhamaystay Xabsigii Itoobiya.

0

Safaaradda Somalia ay ku leedahay Itoobiya ayaa ku hawlan soo celinta Wariye Maxamad Aways Muudeey Boqorka Bartamaha oo dhamaystay Xabsigii Itoobiya ay ku xukuntay, kadib markii ay ku eedeeyeen inuu yahay Alshabaab.

Boqorka Bartamaha oo markii hore lagu xukumay Xabsi ka badan 20 sanno ayaa waxaa qafiifisay Maxkamadda Racfaanka Itoobiya oo ku xukuntay 6 Sanno, Waxaana haatan uu dhamaystay 6-dii Sanno ee lagu xukumay, iyadoona lagu wado in Dalka dib loogu soo celiyo.

Diblomaasiyiin ayaa u xaqiijiyay HornAfrik in Boqorka Bartamaha laga siidaayay Xabsiga uu ku jiray Ee Wadanka Itoobiya islamarkaana Todobaadka soo socda la keeni doono Magaalada Muqdisho asaga oo ay weheliyaan Tiro Maxaabiis Soomaaliyeed ah,balse aan la sheegin Tiradooda.

Boqorka Bartamaha ayaa loo haystay inuu wax ka ogaa Qarax ka dhacay Xaafadda Booley ee Magaaladda AddisAbaba, Waxaana dhawaan lagu soo celiyay Somalia qaar ka mid ahaa Dadkii kula eedaysnaa Kiiskan oo iyagana waqtigoodii u dhamaaday, Waxaase jira wali dad isla arrintan u xiran oo aan dhamaysan Xabsigooda.

Dowladda Somalia oo loo haysto Fadeexadii ka dhalatay inay Muwaadin Soomaali ah u gacan galiso Itoobiya ayaa laga yaabaa inay u isticmaaso sii daynta Boqorka Bartamaha oo si Sharci ah u dhamaystay Xabsigii lagu xukumay Dacaayad ay ku dajinayso Kacdoonka Shacab ee soo wajahay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.