Xog: Raiisulwasaaraha oo dadaal ugu jirta inuusan furmin Kalfadhiga Baarlamaanka Somalia.

0

Wararka ay helayso Hornafrik ayaa sheegaya in Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Xubno ku afkaar ah ay wadaan Dadaal ay ku doonayaan in aan la furin Kalfadhiga Baarlamaanka ee lagu balansan yahay in la furo Maalinta Arbacada ee bishu ay ku beegan Tahay 06 Agoosto 2017.

Xogta ay heshay Hornafrik ayaa sheegaya in RW Kheyre uu marar kala duwan xiriiro la sameeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari isaga oo ka codsaday in dib loo dhigo Furitaanka Baarlamaanka, Wuxuuna sabab uga dhigay in haatan ay jirto Xaalad kacsanaan ah oo aysan suuragal ahayn in Madaxwaynuhu furo Kalfadhiga Baarlamaanka.

RW Kheyre ayaa ka cabsi qaba in haddii xiligan la furo Baarlamaanka ay Xildhibaanada Baarlamaanku  keenaan Mooshin ka dhan ah, Wuxuuna dadaal ugu jiraa inuu waqti u helo kala furfurista Xildhibaanadda Mooshinka wada iyo kuwa taageersan, Hasa yeeshee weli lama xaqiijin karo Go’aanka uu qaatay Jawaari inkastoo ilo ku dhaw dhaw Gudoomiyaha Baarlamaanka ay Tibaaxayaan inuusan jirin wax isbedel ah oo lagu samaynayo waqtigii loogu Talagalay Furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka.

Xildhibanaada Baarlamaaka ayaa mudooyinkan ku maqnaa Fasax, waxaana warar la helay ay xaqiijinayaan inuu jiro Mooshin ay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo Carro ka qaaday Arinta Qalbi Dhagax. Waxaana suuragal ah marka uu furmo Kalfadhiga Baarlamaanka in loo yeero Raiisul Wasaare Khayre, Wasiirka Amniga, Taliyaha NISA, iyo Shaqsiyaad kale oo la tuhunsan yahay si wax looga waydiiyo Arrinta Qalbidhagax, kadibna waxaa la aaminsan yahay inay xigi doonto in Codka Kalsoonidda la galiyo in Xukuumadda Khayre ay sii jirto iyo in kale, taasoo la saadaalinayo inay waysay Kalsoonidda Xildhibaano badan oo horay u taageersanaa.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.