Xafiisyadda Dowladda Somalia oo ku mashquulsan cidda dusha laga saari lahaa Fadeexadii Qalbidhagax.

0

Waxaa jira dadaallo dheer aay wadaan saaxiibada labada garab ee Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre oo aay isku dayayaan in xal loo helo gafkii weynaa ee dowladda aay ku gacan gelisay Cabdikarin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) kaasoo iminka ku xiran xabsi aay leeyihiin sirdoonka Itoobiya sida uu sheegay afhayeenka ururka ONLF. Waxaa si xowli ku socda abaabul aay wadaan xildhibaanada labada gole ee baarlabaanka JFS, abaabulka xildhibaanada ayaa laba weji kala ah waa midda 1. Waxaay xildhibaanada qaban qaabinayaan mudaaharaad weyn oo looga soo horjeedo falkii aay dowladda ku gacan gelisay Qalbi Dhagax 2. Dadaallo weyn oo aay rabaan in Baarlabaanka uu tallaabada waafaqsan ee sharciga ah uu ka qaado RW ama Madaxweynaha. Iyadoo laga duulaayo labada qodob ee kore, ayaa saxiibada labada garab ee RW Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo aay rabaan in la helo maslaxad si loo badbaadiyo dowladda qaladka gashay. Garabka saaxiibada Farmaajo ayaa raba in aay ku qanciyaan in RW Kheyre uu iscasilo si looga kaaftoomo mooshin uu midkood xilka ku weynayo. Waxaa sidoo kale aay garabka Farmaajo ku talo siiyeen in uu is dhaafiyo * Fahad Xaaji Yasin (Agaasimaha Madaxtooyada) * Cabdirasaq Shoolle (Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada * Cabdulaahi Sanbaloshe (Taliyaha Nabad Sugidda) * Taabid Cabdi (Guddoomiyaha Gobolka Banaadir) Afartaan shaqsi iyo RW Kheyre ayaa la aaminsan yahay in aay ku lug lahaayeen in G/Sare Qalbi Dhagax lagu wareejiyo dowladda Itoobiya.

Garabka RW Kheyre ayaa iyaga waxaa aay rabaan si xal loo helo Madaxweynaha iyo RW ay u badbaadaan in xil ka qaadis lagu sameeyo 1. Taliyaha Nabadsugidda Sanbalooshe 2. Taliyaha CXDS Gen. Jimcaale Cirfiid 3. Taliyaha Booliska Gen. Saacid & 4. Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale Dowladda Federaalka ah ayaanan weli ka hadal dhacdadii G/Sare Qalbi Dhagax.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.