Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo xaqiijiyay in C/kariin Qalbidhagax uu ka mid ahaa Ciidanka SNA.

0

Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumadda Federaalka Somalia, C/rashiid C/laahi ayaa si rasmiya u xaqiijiyay in Muwaadinka Soomaaliga ah ee loo dhiibay  Itoobiya uu ka mid ahaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Isla markaana aysan Wasaaradiisu ka warqabin talaabadda Dal kale isagoo Maxbuus ah loogu wareejiyay.

Wasiir C/rashiid ayaa ku soo qoray Bartiisa Twitter-ka inuu xaqiijinayo in C/kariin Qalbidhagax uu ka tirsanaa 17 Sanno Ciidanka Xoogga, isla markaana uu 2 mar dhaawacmay Dagaalkii 77, isagoo difaacaya Dalkiisa Somalia, Wuxuuna intaasi ku daray inuusan waxba ka ogayn in lagu wareejiyo Itoobiya.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga ayaa imaanaya xilli ay Xafiisyadda sare ee Madaxda Dowladda Somalia abuurayaan Dacaayado ay ku sheegayaan in C/kariin Qalbidhagax uu ahaa Muwaadin Itoobiyaan ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.