Safaaradaha Somalia oo lagu amray inaysan ka hadli karin Warbaahinta.

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa qoraal ay soo saartay ku amartay Safaaradaha Somalia inaysan la hadli karin Warbaahinta, iyagoo aan fasax ka haysan Wasaaradda.

Qoraalkan oo uu ku saxiixnaa Xoghayaha Joogtadda ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamad Cali ayaa sidoo kale lagu amray Diblomaasiyiinta ay Darajadoodu ka hoosayso Safiir, Qunsul iyo Ergay Joogto ah aysan ka hadli karin nooc kasta oo ay Warbaahin tahay. taasoo loola jeedo inay xittaa fasax u soo qaataan waxyaabaha ay ku qorayaan Baraha Bulshaddu.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay sidoo kale wareegtadan ku baabi’isay U Qaybsanayaasha oo ah Xilalka ugu badan ee Safaaradaha, marka laga reebo U qaybsanayaasha Milatariga, Ganacsiga, Tacliinta, iyo Dhaqanka, Waxaana la kala diray U qaybsanayaasha Warfaafinta, Maamulka, iyo kuwo kale.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Nuqul ka mida ay HornAfrik heshay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.