Aragtida sharci ee dhiibida Qalbi dhagax iyo Shuruucda Dalka waxay ka qabaan.

0

Maalmahaan waxaa la isla dhaxmarayay in dowladda soomaaliya ay dowladda Ethiopia ku wareejisay ruux soomaali ah una dhashay gobalka 5aad ee dalka Ethiopia, inkastoo dowladu aanay si rasmi ah u xaqiijin hadane arintaas waa arin isa soo tarayso, hadaba waxaan rabaa in aan si kooban uga hadlo aragtida sharci ee dhiibida Qalbi dhagax.
Si aan ugu ogaano dhiibidaas in ay tahay mid sharciga ka soo horjeedo ama mid sharciga waafaqsan waxaa lama huraan ah marka hore in laga jawaabo dhowr su’aalood oo kala ah kuwan:
1- Ugu horryntii qalbi dhagax ma muwaan Ethiopian ahaa mise muwaadin soomaali ah mise ruux heysto labada jinsiyadoo, hadii qalbi dhagax yahay muwaadin soomaali ah ama labada jinsiyadood heysto marna dowladda soomaaliya uma furno in ay dhiibto arintaane waxay khilaafsantahay sharciga, balse hadii qalbi dhagax uu yahay muwaadin Ethiopian ah oo aan heysan jinsiyada soomaaliya waxaa qasab noqoneysa in laga jawaabo su’aalaha xigo
2- Aan ka soo qaadno in qalbi dhagax uu yahay muwaadin Ethiopian ah, markaane waxaa muhiim ah in laga jawaabo arimaha kale oo muhiim ah sida, waa maxay dabeecada dambiga uu ka galay dowladda Ethiopia, si qalbi dhagax loogu wareejiyo dowladda ethioan waxaa muhiim ah in la helo 3 shardi oo wada jiro , sadaxdaas oo kala ah:
a- In uu jiro heshiis is dhaafsi eedaysanayaal iyo dambiilayaal oo u dhaxeyo dowladda soomaaliya iyo dowladda Ethiopia ( extradition agreement) mana jiro ogaantey heshiis dhameystiran oo noocaas ah

b- In dambiga qalbi dhagax loo heysto uu yahay dambi ku dhigan xeerrarka ciqaabta soomaaliya , oo soomaaliya ay dambi u taqaano, su’aashu waxay tahay dambi noocee ah ayaa qalbi dhagax loo heystaa, somaaliyase dambi ma looga yaqaanaa? Waa arin jawaab u baahan
c- Shardiga 3aad ee asane muhiimka ah wuxuu yahay in dambiga qofka lagu dhiibayo aanu aheyn dambi siyaasadeed, waana arin iska cad in arinta qalbi dhagax ay la xiriirto siyaasad.

Arimaha aan soo xusnay oo dhan waxay muujinayaan in dhiibista qalbi dhagax ay khilaafsan tahay shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah.

AVV. Dahir M. Ali

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.