Madaxwayne Farmaajo oo aan ka qayb galin Tukashada Salaadda Ciida ee Masjidka Isbahaysiga.

0

Iyadoo Maanta loo Dabaaldagayo Maalinta Kowaad ee Ciida Carafo ayaa Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxaa ay Boqolaal Shacab ah ay kula Tukadeen Salaadda Ciidda Masaajidka Isbaheysiga Islaamka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kamid ahaa Madaxdii Shacabka Salaada kula Tukaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Iscafiyaan oo ay ka shaqeyaan nabadda iyo Xasiloonida Dalka.

Madaxwayne Maxamad C/laahi Farmaajo ayaan maanta lagu arkin Masjidka Isbahaysiga oo Salaadaha Ciidda ay Madaxdu kula tukadaan Shacabka Soomaaliyeed.

Fariin xalay ay ka duubeen Warbaahinta Dowladda Somalia oo la baahiyay Saaka ayuu Madaxwayne Farmaajo ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed Munaasibadda Ciidda,

Madaxweyne Famaajo waxa uu Alle uga rajeeyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay ku sugan yihiin, caafimaad, horomar iyo barwaaqo, isagoo sheegay in arrimahaas lagu gaari karo xasilooni Amni oo si dhammaystiran uga hirgasha guud ahaan dalka.

“In aan amni ka wada shaqeyno, amni marka la helo ayaa horumar la helaa…sanadkan sanadkiisa waxaa rajeyna in dalka uu noqdo nabad, in magaalada Muqdisho si nabad ah la isugu socdo inshaa-alaah, qof kasta oo Soomaali ah waajib ayaa ka saaran in uu nagala shaqeeyo amniga si aan u helno horumae iyo Nabad” ayuu yiri, Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari  ayaa sidoo kale shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Ciidda al-adxa, isaga oo fariin diray maalinta ciidda shacabka ku taliyay in ay badiyaan sadaqada, Salaanta iyo Nabadda

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.