Ethiopia oo Xaqiijisay in Somalia ay ku soo wareejisay Sarkaal ka tirsanaa ONLF.

0

Dowladda Ethiopia ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in dowladda Soomaaliya ay u soo gacan galisay sarkaal ka tirsanaa ururka ONLF oo toddobaadkii hore la sheegay in lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Dr. NEGERI Lencho, wasiirka arrimaha warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa wareysi uu siiyay qeybta Afka Amxaariga ee idaacadda VOA ku sheegay in dowladda Somalia ay usoo gacan galisay Cabdikariim Sheekh Muuse oo ka tirsanaa ururka ONLF.

“Waxaan kuu xaqijiyay in Ethiopia loo soo gudbiyay sarkaalka ONLF ka tirsan, waxaana soo gudbinta ay ku dhacday heshiis nagala dhaxeeya dowladda Somalia. Mas’uulkan wuxuu ka tirsan yahay ururka ONLF oo ah urur argagixiso ah” ayuu yiri.

C/kariin Qalbi Dhagax oo ka hor intii uusan ku buurin Ururka Gobanimo Doonka ah ee ONLF ka mid ahaa Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qaybtoodii 21-aad ee Gaalkacyo waxay Itoobiya horay u sheegatay inay ku dishay Dagaal ka dhacay Deegaanka Soomaali Galbeed, balse C/kariin oo ahaa waqtigaas Abaanduulaha ONLF ayaa kula hadlay Warbaahinta Taleefoonka Sattelite-ka ah isagoo Kaynta ku jira wuxuuna xaqiijiyay inuu nool yahay, isagoo sheegtay waqtigaasi inay dileen Dagaalyahanadii uu hogaaminayay Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah, guulana ka gaareen Dagaalkii ay la galeen Xabashida.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.