Afhayeenka ONLF Oo Sheegaya In Qalbi-Dhagax Uu Horay Uga Tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka, Hadana Uu Ku Jiro Gacanta Itoobiya

0

Cabdiqadir Xasan Hir-mooge oo ah afhayeenka jabhadda xoreynta Soomaali galbeed ee ONLF ayaa markii ugu horaysay faah faahin ka bixiyay waxa uu ahaa C/kariin Sheikh Muuse (Qalbi-Dhagax) iyo sidii loo qabtay.

Hiirmooge waxa uu sheegay in 23 kii Bishan uu Qalbidhagax u tagay Gaalkacyo inuu halkaasi ka soo kaxeeyo Ilmo yar oo uu Waalid u yahay, kadibna ay halkaasi ku qabteen Ciidanka NISA ee Galmudug, Waxaana Jimcihii isagoo Maxbuus ah laga soo dajiyay Magaaladda Muqdisho, dabeetana 28 kii Bishan ayaa lagu wareejiyay Itoobiyay.

Mar uu ka hadlayay Hiirmooge cidda go’aamisay in Muwaadinkan Soomaaliga ah lagu wareejiyo Itoobiya waxa uu ku eedeeyay inay wada gaareen Go’aankaasi Madaxwayne Farmaajo, Raiisul Wasaare Khayre, Taliye Sanbaloolshe, La Taliyaha Amniga ee Madaxwaynaha.

Kumuu ahaa Qalbi Dhagax,?

Qalbi Dhagax waxa uu ahaa Muwaadin Soomaali ah oo daganaa Dalkaan tan iyo Dowladdi Dhexe ee Milatariga ahayd ee burburtay 1991-dii. mana uusan khatar ku ahayn Amniga Soomaaliya.

“Cabdikariim Sheikh Muuse jabhadda waxaa uu ku soo biiray dabayaaqadii sanadkii 1991 dii  wixii ka horeysay xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu ahaa,  waxuu ka tirsanaa qeybta 21-aad ee joogta gobolka Mudug, cabdikariim saddexdii sano ee ugu dambeysay Soomaaliya waxaa u joogay arimo qoys.” sidaasna waxaa sheegay Afhayeen Hiirmooge.

Qalbi Dhagax Walaalkiis isaga ka wayn Ibraahim waxa uu ka mid ahaa Ciidankii Soomaaliya ee 1977-dii ka qayb galay Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya, Wuxuuna Dagaalkaasi ku waayay Walaalkiis Lugtiisa, halka Walaashiisna ay ku indha beeshay Xabsiga Itoobiya iyadoo u xiran Soomaalinimo.

C/kariin Qalbi Dhagax waxa isaga iyo Qoyskiisuba ay ahaayeen Dad ay ku wayn tahay Soomaalinimadu.

Afhayeenka ONLF waxa uu dhinaca kale ku dooday in Soomaaliya aan laga xigin oo ay Soomaali yihiin, Isla markaana aysan jirin cid ay uga haybaysanayaan inay Soomaaliya ku noolaadaan oo ah Dalkooda Rasmiga ah. Wuxuuse sheegay inay jireen waligeen kuwo caada qaatayaal ah oo ka dhuunta Shacabka iyo Saxaafadda oo Dagaal yahanadda ONLF ka gadan jiray Itoobiya, balse tani way ka xanuun badan tahay oo waaa ficil ay samaysay Dowladdii Soomaaliyeed oo matalaysa Calanka iyo Qaranimadda Soomaaliya, taasoo aysan sugayn marna in Magaceeda lagu gumaado. “xiriirka naga dhaxeyn kara dalka Soomaaliya muxuu yahay ma waxaan ka imid Ghana marka uu xiriir naga dhaxeynayo, waxaa weeye ninka Soomaaliga ah Visa cid ku qasbi karta ma jirto Farmaajo iyo Kheyrana naguma qasbi karaan diinta,dhaqanka,nasabka Soomaaliya way wada leedahay,”

Muwaadinka Soomaaliga ah ee loo gacan galiyay Itoobiya waxa uu ka mid ahaa Ciidankii Soomaaliya ee ka hor burburkii Dowladii Milatariga ahayd ka difaaci jiray Itoobiyaaanka Dalkiisa Soomaaliya, Waxaana hadda isaga oo ilmaynaya laga dhoofiyay Dalkiisa, kadibna loo gacan galiyay kuwii uu ka difaaci jiray Somalia.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.