Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo beeniyay inuu isku shaandhayn ku samaynayo Golaha Wasiiradda.

0

Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Caawa Su’aalo uga jawaabayay Wariyayaasha ayaa beeniyay inuu jiro Isku Shaandhayn uu ku samaynayo Xukuumadiisa.

“Adigaa ii sheegaysid inaan isku shaandhayn ku sameeynayo Xukuumadda, waadna ku mahadsan tahay inaad ii sheegto, Waxaanse anna kuu sheegayaa inaysan jirin isku shaandhayn,” sidaasna waxaa yiri Raiisul Wasaare Khayre oo Wariyayaasha uga jawaabayay inuu samaynayo Isku Shaandhayn iyo in kale.

Raiisul Wasaare Khayre waxa uu markii ugu horaysay Caawa u sheegay Wariyayaasha iyo Shacabka inuu ka guurayo Aagga Madaxtooyo, isla markaana uu bilaabayo inay Xukuumaddu ku shaqayso Degmo ka fog Madaxtooyo. Balse ma uusan sheegin Degmadaasi midda ay noqonayso.

Mar la waydiiyay Khayre waxa uu ka qabo Go’aanka lagu kala diray Rugta Ganacsiga waxa uu ku gaabsaday inay saxayaan wixii qaldan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.