Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha oo baab’isay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha (Akhriso)

0

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo  Warshadaha ayaa lagu baab’iyay  Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyadoo wareegtada lagu xusay sababaha loo baabi’iyay.

Qoraalkan ka soo baxay wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha  ayaa lagu sheegay in wixii laga bilaabo maanta la baab’iyay rugta ganacsiga iyo warshadaha maadaama ay jiraan labo rug ganacsi oo ka dhisan magaalada Muqdisho.

Wareegtadan oo ay ku saxiixnayd Khadra Axmed Ducaale Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa lagu sheegay in wasaaradu ay soo sheegi doonto xilliga la qabanayo doorashada .isla markaana rugaha ganacsiga ee ka jira maamul goboleedyada ay si toos ah ula soo xiriiraan Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa waxaa guddoomiye ka ahaa Maxamuud Cabdikariin Gabeyre halka Rug Ganacsi oo kale ay ku dhowaaqeen qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho.

Halkan ka aqriso wareegtada lagu baabi’iyay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.