Dowladda Somalia oo rabta inay awood u adeegsato aasidda Maydadka Dadkii lagu xasuuqay Bariire, Akhriso Amarka Dowladda.

0

Xafiiska Xeer Illaalinta Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ee Somalia ayaa soo saaray Warqad Amar ah oo lagu farayo Xarunta Baarista Dambiyadda Booliska ee CID inay aasto Maydadka Maataddii lagu xasuuqay Deegaanka Bariire eE Shabeelaha Hoose. Waxaana Warqadda lagu sheegay in laga tixraacayo Codsi Aasid Maydad oo ay soo qoratay CID.

Warqadan oo ay ku qoran yihiin Magacyadda Marxuumiinta, uuna ku saxiixan yahay Gaashaanle Dhexe, Axmad Jiinoow Xasan-Ku Simaha Xeer Illaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamadda ayaa si toos ah loogu farayaa CID Inay aasto Maydadka, isla markaana la sii wado Baarista arrintan. balse laguma cadayn Warqadda inay Dadkan la laayay ahaayeen Shacab iyo Argagixiso toona, taasoo shaki galinaysa Ujeedada Amarka ah in la aaso Dadkan.

sidoo kale Warqadda kuma cadda wax fasax ah oo laga haysto Eheladda Dadka laayay, lamana waydiin oggolaansho ah in la aaso Maydadka. Waxaana Eheladda Dadkan la laayay ay ku adkaysanayaan inaan la aasayn Maydadka illaa iyo inta laga cadaynayo cidda iska leh Masuuliyadda Dadkan Shacabka ah ee la xasuuqay.

Xasuuqa Bariire waxa uu jahwareer ka dhex abuuray Xafiisyadda Xukuumadda iyo Madaxtooyo oo saacado isku xiga bixiyay warar is burinaya, Waxaase ugu dambayn cadeeyay Dadkan in si qalad ah loo xasuuqay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. balse hadda waxaa muuqanaysa in Dowladda Somalia oo doonaysa in Maydadka ay qasab ku aasto ay u adeegsanayso Garsoorkii ugu dambayn looga fadhiyay inay u cadaalad sameeyaan Dadkan la xasuuqay.

Garsoorku waa Hay’ad Madax banaan, Waana Halka ay u Cadaalad tagaan Dulmanayaasha iyo Eedaysanayaashu.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.