Nin Soomaali ah oo Caawa weerar ka gaystay Brussels.

0

Nin ayaa lagu toogtay Caawa Bartamaha Magaaladda Brussels ee Dalka Belgium, kadib markii uu Tooreey ku weeraray 2 Askari, sida uu sheegay Xeerillaaliyaha Brussels.

“Waxaa loola macaamilayaa Dhacdadan isku day Dil Argagixisanimo, maxaa yeelay Ninka la toogtay waxa uu ku dhawaaqayay Allaahu Akbar,” Sidaasna waxaa sheegay Saraakiil.

Ninkan falka gaystay waxa soo gaaray Dhaawac daran, markii ay Ciidanku toogteen, Waxana la geeyay Isbitaalka, balse kadib dhaawicii ayuu u dhintay, Waxaa sidoo kale dhaawacmay Askartii uu weeraray oo Midna dhaawac uu ka gaaray Wajiga, midka kalana Gacanta.

“Aqoonsiga aan hayno waa Nin 30 Jir ah oo aan lagu aqoon Ficil Argagixisanimo,” sidaasna waxaa sheegay Haweeneey u hadashay Xafiiska Xeer Illaalinta.

Ninka Falkan gaystay ayaa la rumaysan yahay inuu Asalkiisu yahay Soomaali, Waxaana wali socda Baaritaano.

Wadooyinka Brussels ayaa waxaa illaaliya Ciidamo tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Weeraro Argagixisanimo ka dhaceen Paris iyo Brussels 2015 iyo 2016.

Bishii June waxay Ciidamaddu toogteen Ismiidaamiye Gudaha Magaaladda Brussels meel laga raaco Tareenadda, mana jirin cid kale oo ku waxyeeloowday, Waxaana isku daygaasi Ismiidaamiyaha loo aqoonsaday Weerar Argagixisanimo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.