Maraykanka oo Duqayn ku dilay Dad Shacab ah Gobalka Shabeelaha Hoose.

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar la sheegay in ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ku dileen 9 qof oo ku sugnaa duleedka deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose iyadoo Labo kalena dhaawac yihiin.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Shabellaha Hoose , Cali Nuur Maxamed ayaa Iddaacada Goobjoog ee Muqdisho u sheegay in dadka dhintay ay yihiin shacab.

Waxa uu tilmaamay in ciidankaan ay saakay ay ku jarmaadeen dhul beeraley ah ayna dileen dadkaasi.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in dhammaan dadka la diley la keeni doono xarunta CID ee magaalada Muqdisho, si baaritaanno loogu sameeyo.

Cali Nuur ayaa dhanka kale tilmaamay in maamulkooda aan lala soo socodsiin howlgalkaan ay sameeyeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Maraykanka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.