Eheladdii Dadkii lagu laayay Bariire oo Eedayn u jeediyay Dowladda Somalia, diidayna in la aaso Maydadka.

0

Eheladda Dadkii lagu xasuuqay Bariire ayaa ku eedeeyay Dowladda Somalia inay iska indha tirtay Dadka ay Ciidankeeda iyo Ciidamadda Maraykanku ku xasuuqeen Deegaankaasi. Waxayna ku tilmaameen Falkan mid muujinaya inaysan Ciidamadda Shisheeye maslaxad u hayn Soomaalida.

Eheladda Dadka la laalayay waxay ku dhawaaqeen inaysan aasi doonin Maydadka illaa inta la cadaynayo cidda iska leh Masuuliyadda Ficilkan, isla markaana laga hor keenayo Cadaalad, Waxayna Cod midaysan Eheladda ku sheegeen inay Maydadka galiyeen Qaboojiyayaal inta la keenayo Cidda falkan gaysatay, iyagoo sheegay in tan oo kale ay ka dhacday Duleedka Gaalkacyo.

“Uma dulqaadan karno in Maalin kasta lagu soo hogaamiyo Ciidan Shisheey, Waana arrin aan la isaga hari doonin,” ayeey ku hanjabeen Eheladda dadka la dilay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.