Dowladda Somalia oo sheegtay in Dadkii lagu xasuuqay Bariire ay ahaayeen Alshabaab.

0

Dowladda Somalia ayaa si rasmiya u sheegatay Masuuliyadda Dadkii Shacabka ahaa ee lagu xasuuqay Deegaanka Bariire ee Shabeelaha Hoose, Waxayna ku tilmaantay Dadkaasi inay ka tirsanaayeen Argagixisadda Alshabaab.

“Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fulinaya Amarka Taliyaha Xoogga, Gen Axmad Maxamad Jimcaale iyo Saaxiibadeena ayaa ka fuliyay Hawlgal Amni Aroornimadii 25 August meel u dhow Deegaanka Bariire, Waxaana Hawlgalkaasi ku dhintay 8 ka tirsan Argagixisadda Alshabaab, Ciidamadeenu waxay ku fogaanayeen inay waxyeelo gaarsiiyaan Shacabka inta uu howlgalku socday, mana jiro wax shacab ah oo ku waxyeeloobay ama ku dhintay Howlgalkan,” ayaa lagu yiri Qoraal kooban oo ku qornaa English oo lagu soo daabacay Barta Facebook-ga ee Wasiirka Warfaafinta Somalia.

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo isna la hadlay Idaacada VOA ayaa ka gaabsaday inuu Dadkan la xasuuqay ku tilmaamo inay ka tirsanaayeen Alshabaab, Wuxuuse ku sheegay inay hubaysnaayeen oo ay diideen inay Hubka dhigaan.

General Sheegow-Taliyaha Guutadda 20-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa isna yiri:  Ciidanku  howgal ayeey ku qaadeen Saaka Beer ku taala Bariire, halkaas oo ay joogeen Alshabaab, kadibna waxay bilaabeen Alshabaab inay na rasaaseeyaan, markii ay Ciidankeenu gudaha u galaan Beerta, Dadka na soo rasaasaynayay ee naga soo horjeedayna waxay ahaayeen Dagaalamayaaal Alshabaab ka tirsan, ma ahayn Beeraleey, Waan la hadalnay Beeralayda Deegaanka, waanan ku wargalinay inay Hubkooda Guryaha dhigtaan si aysan u dhicin qalad,”

Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Cali ayaa isna dhiniciisa sheegay in Beerta la weeraray ay ahayd Saldhig Alshabaab, shaqsiyaadka la dilayna intii uu howlgalku socday ay ahaayeen Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

inkastoo ay Dowladda Somalia ku sheegtay inay dishay 8 Qof o oo ka tirsan Alshabaab haddana waxaa la soo bandhigay Maydadka 10 Qof oo lagu dilay Beertaasi, kuwaasoo la keenay Isbitaalka Madiino ee Muqdisho, iyadoona Dadkan la xaqiijiyay inay dhamaantood ahaayeen Dad Rayid ah oo aan hubaysnayn.

Beeralayda Deegaanka oo HornAfrik ay la hadashay waxay sheegeen inaysan jirin wax iska hor imaad ah oo ka dhacay halkaasi, balse ay Ciidamadu dadkan ku qabteen Nolol iyagoo Beertooda iska dhex jooga, kadibna si wadar ah halkaasi loogu xasuuqay.

Waa Weerarkii labaad oo Dad Shacab ah lagu xasuuqo oo ay Dowladda Somalia sheegato Masuuliyadiisa.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.