Puntland oo ku amartay in ay damiin la yimaadaan Ganacsatada Sarifka.

0

Muxudiin Axmed Muuse Taliyaha Ciidamada la dagaalanka Argigixasada ee Puntland oo Shir jaraa’id Ku qabtay Magaalada Garowe ayaa sheegay Puntland in aysan aqbaleyn in fowdo lagu sameeyo suuqyada safirka lacagaha ee maamulkaasi.

Wuxuu sheegay dadka sariflayaasha ah wixii hada ka dambeeya in aysan jiri doonin in ay ganacsadaan sharci la’aan, lagana doonayo sarifle kasta damiin ama qof ka masuul ah, oo marka uu qalad geysto loo soo qaban karo.

Muxudiin Axmed Muuse ayaa sidoo kale sheegay sariflayaasha qaarkood in ay yihiin kuwo aan sharci heysan oo doonaya in ay khalalaase iyo buuq abuuraan.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ay sameyn doonaan Howlgal ka dhan dadka aan sharciga heysan ee ka ganacsada Puntland iyo kuwa damiin la aanta ah, loogana Baahan yahay in ay si deg deg ah damiin u keensadaan.

Waa Markii ugu horaysay ee Sariflayaasha Somalia lagu xiro Damiin inay la yimaadaan, iyadoona Sarifka Lacagaha Qalaad uu ka mid yahay Ganacsiyadda aan dhaqaalaha badan laga samayn Somalia oo ay Biilka ka raadsadaan Ganacsatadda Dan yarta ah, kuwaasoo Jidadka la fadhiya Sanduuqyo ay ugu jiraan Lacago yar oo ay Sarifka u isticmaalaan.

Ganacsiga Sarifka ayaa hoos u dhacay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Shirkadaha Isgaarsiinta keeneen Adeeg Lacagaha Taleefoonadda la isku waydaarsanayo, kaasoo Suuqa ka saaray Ganacsiyo badan oo uu Sarifku ka mid ahaa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.