Nin Ganacsade ah oo lagu dilay Muqdisho.

0

Dabley Bastoolado Ku Hubeysan ayaa goor dhaw Xaafadda Sanca ee Magaalada Muqdisho ku dishay Nin la sheegay in uu ka mid ahaa ganacstada wax ku iibisa Suuq ku yaala Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Labo Wiil oo dhalinyaro ah oo watay Bastoolado ayaa toogtay Marxuumka isagoo marayay meel u dhaw Ex Hotel Baana-raama oo ku yaala inta u dhaxeysa Isgoyska Sanca iyo Toornada Cumar Fiyaasko ee G/Banaadir.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Marxuumka ladilay qaar ka mid ah Shacabka ku sugan Sanca ayaa HornAfrik u sheegay in uu ka mid ahaa Ganacsatada deegaanka halka kuwa kalane ay sheegeen in uu  ahaa Nabadoon ka mid ah waxgaradka Beelaha Soomaaliyeed.

Ciidamo ka tirsan Dowladda gaar ahaan Ciidanka NISA oo fariisin ku leh Bartamaha Isgoyska Sanca ayaa tagay halka uu dilka ka dhacay waxaana goob joogayaal ay HornAfrik u sheegay in halka uu dilka ka dhacay iyo Fariisinka Ciidanka ay u dhaxeyso wax ka yar 100 Talaabo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.