Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay oo Muqdisho kula kulmay Madaxwaynaha iyo Raiisul Wasaaraha.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulamo gaar gaar la qaatay Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee dhinaca siyaasadda Jeffrey Feltman.

Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ugu horeyn la kulmay Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyagoo ka wada hadlay dhinacyada siyaasada ee 2020, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, xiriirka dowlad goboleedyada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaana uga mahad celiyay taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsaneysa horumar ballaaran oo laga sameynayo dhinaca siyaasadda iyo amniga iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo horseedaya dib-u-soo kabashada dalka. Waxaa hubaal ah in aan ka mira-dhalin doonno barnaamijyada la xiriira dhismaha Soomaaliya xoog leh oo sharcigu sareeyo’’ ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Jeffrey D. Feltman ayaa kulanka ka sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka jira, kaasi oo sabab u ah hoggaanka Soomaaliya iyo shacabka oo wada shaqeynaya.

Waxaa uu sheegay Jeffrey Feltman in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya kala shaqeyneyso arrimaha la xiriira gaaridda doorashooyin madax banaan oo xor ah sanaddka 2020, dib-u-eegidda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo sidii ay caalamku Soomaaliya taageero buuxda u siin lahaayeen.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan gaar la qaatay Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, iyagoo ka wada hadlay arrimaha siyaasada dalka iyo sidii Qaramada Midoobey ay u sii wadi laheyd taageerada Soomaaliya.

Ma ahan markii u horeysay ee Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey uu soo gaaro Muqdisho, sanadihii u dambeeyay ayuu dhowr jeer yimid, isagoo la kulmay Madaxdii hore ee dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.