Xog: Ciidamo Turkish ah oo Muqdisho yimid, Maxay tahay Ujeedadooda,?+Sawiro

0

Illaa 200 ciidan isugu jira Saraakiil ciidan iyo askar ka socda Turkiga ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, taasoo ah tiradii ugu badneyd oo Ciidamo Turkish oo yimaada Muqdisho.

Diyaarada Turkish Airways ayaa ciidamadan u soo daabushay magaalada Muqdisho, sida ay baahiyeen warbaahinta Turkiga. Waxaana ay ka qayb qaadanayaan Saldhiga Milatari ee Turkigu ka furanayo Somalia, iyadoona Warbaahinta Turkigu ay shaaciyeen in Hawlgalka Saldhiga Mialatari ee ay ka furanayaan Turkigu Somalia uu billowday Shalay.

Saldhiggan oo ku yaala duleedka Muqdisho, ayaa sidoo kale tababar lagu siin doonaa Ciidamadda Somalia, Waxaana markiiba lagu tababarayaa illaa iyo  1,500 askar ah.

Bisha soo socota ee September ayaa qorshuhu yahay in si rasmi ah loo furo saldhiga Milateri ee Turkiga ka dhistay Muqdisho, waxaana saldhigan tababar loogu furi doonaa saraakiil iyo ciidamo Soomaali ah.

Turkiga ayaa saamayn xoogan ku leh Somalia tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay u soo gurmadeen Somalia xilli ay abaaro daran ku dhufteen Dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.