Xog: Ciidamadda Galmudug oo kaabiga u saaran Dhuusamareeb, Waa Sidee Xaaladda Dhuusamareeb,?

0

Ciidamadda Ammaanka ee Galmudug ayaa imminka kaabiga u saaran Magaaladda Dhuusamareeb ee Xarunta Gobalka Galgaduud, halkaas oo ay ka talinayeen in muddo ah Maleeshiyaadka Ahlu Sunna ee Goboladda Dhexe.

Ciidamadda Galmudug ayaa hadda ku sugan Deegaanka Ceeldheere oo 5 KM u jirta Magaaladda Dhuusamareeb,iyagoo ku sii saqaya halka lagu magacaabo Salaanta oo ah Koontaroolka laga galo Dhuusamareeb, waxaana ay qarka u saaran yihiin inay gudaha u galaan Magaaladaasi oo hadda ay u muuqdaan inay ka sii firxanayaan Ahlu Sunna oo lagala wareegay Saldhigii ugu waynaa ee ay ka difaaci jireen Dhuusamareeb.

Deegaanka Mareergur oo ah Saldhiga ugu wayn ee Goboladda Dhexe ay ku lahaayeen Ahlu Sunna ayaa laga fara maroojiyay Dagaal halkaasi ka dhacay Saaka, Waxaana sido kale looga qabsaday Dagaalkaasi Saaka Maleeshiyadda Ahlu Sunna Gaadiid Dagaal iyo Qalab Ciidan.

Maleeshiyadda Ahlu Sunna oo marar badan la isku dayay in wadahadal lala galo ayaa diiday inay wax wada xaajood ah la galaan Maamulka Galmudug, iyadoona xittaa ay Madaxda ugu saraysa Dawladda Somalia isku dayeen inay ka qayb galaan Doorashadii Madaxwaynanimadda Galmudug oo in muddo ah u xayirnayd, taasoo ugu dambayntii markii ay xal diideen loo doortay Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Geelle Xaaf oo isna isku dayay inuu qanciyo Koox Diimeedka Ahlu Sunna, balse ay aakhirkii diideen inay la xaajoodaan.

Gen Maxamad Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamadda Somalia, mudooyinkana daganaa Guriceel ayaa isna isku dayay inuu ku qanciyo Ahlu Sunna inay wadaxaajood galaan, waxayse ku gacan sayreen Talooyinka Jananka, taasoo keentay in Gen Galaal uu u soo wareego Magaaladda Cadaado, isagoo ka niyad jabay hab dhaqanka Maleeshiyaadka Ahlu Sunna.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.