Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho.

0

Qarax Xooggan ayaa ka dhacay Agagaarka Wadada Zayidka ee Muqdisho, iyadoona Qaraxan laga maqlay qaybo badan oo ka mida Magaaladda.

Wariye ka tirsan HornAfrik oo tagay goobta ay wax ka dhaceen ayaa ku soo waramayaa in Qaraxa uu ahaa Miino la dhigay Wadada Dhinaceeda, Isla markaana uusan gaysan Khasaare Nafeed, balse uu burbur hantiyeed gaystay. Waxaana Goobta uu Qaruxu ka dhacay isku gadaamay Ciidamadda Ammaanka ee Dawladda Somalia oo baaritaano ka wado.

Wadada Zayidka ayaa waxay ka mid tahay Goobaha ammaankeeda sida wayn loo adkeeyay. Waxaana halkaasi fariisimo ku leh Ciidamo ka tirsan Madaxtooyadda Somalia.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.