Amarkii Agaasime Fahad Yaasiin ee ahaa in laga guuro Madaxtooyada oo maanta ku eg, maxaa ka hirgalay Amarkaas,?

0

Amarkii Agaasimaha Madaxtooyada, Fahad Yaasiin ee ahaa in Muddo 14 maalmood ah looga guuro Dhismayaasha Madaxtooyadda ayaa ku eeg Maanta oo Talaado ah. iyadoo uusan amarkaasi dhaqan galin.

Amarkan ayaa saameynaya dhamaan dadka degan dhismayaasha Madaxtooyada oo isugu jira Wasaarado, Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay, kuwaasoo degenaa Madaxtooyada 7-dii sano ee u dambeysay.

Wararka laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in xubnaha lagu amray inay Madaxtooyada ka guuraan ay muran ka keeneen, su’aalna geliyeen waxa xilligan ku soo beegay amarka, waxaana qaarkood ay dalbadeen in muddo dheeraad ah la siiyo.

Sidoo kale Xildhibaano qaar ee degan Madaxtooyada ayaa la sheegay in Madaxweynaha ay dacwad u gudbiyeen, iyagoo ku dooday in tan iyo dowladdii KMG ay degenaayeen, isla markaana aanay jirin cid ku amartay inay guuraan, waxaana qaarkood ay sheegeen in aanay heysan meel ay degaan.

Agaasime Fahad Yaasiin ayaa 6-dii bishan Agosto soo saaray amar uu ku farayo dhamaan dadka degan Madaxtooyad in muddo 14 maalmood gudahood looga guuro dhismayaasha, si loo dhiso, loona bilaabo shaqada dhismayaasha qaar ee Madaxtooyada oo aan muddo wax dayactir helin, qaarkoodna ku yaallaan banaanka Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxooyadda Somalia ayaa waxaa dagan Masuuliyiin Xilal kala duwan ka soo qabtay Dalka, kuwaas oo Duruufaha Amni ee Dalka ka jira ay ku qasbeen inay gabaad ka dhigtaan Madaxtooyadda Somalia, Balse Agaasime Fahad Yaasiin oo og Duruufahaasi ayaa u sheegay Masuuliyiintan inaan laga saarin Dhismaha Madaxtooyo ee ay soo codsan karaan marka uu dhamaado Dayactirka.

Madaxtooyadda Somalia ayaa ah tan kaliya ee Caalamka ee ay dagan yihin Dad ka baxsan Qoyska Madaxwaynaha iyo Shaqaalaha Xafiisyadda. Waxaana Madaxtooyo daga oo kaliya Qoyska Madaxwaynaha iyo Gacan yarayaashiisa.

Halkan ka akhriso Liiska Xubnaha Madaxtooyo dhex dagan

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.