Xog: Maxay ka wada hadleen Madaxwayne Farmaajo iyo Madaxwayne C/qaasim Salaad Xasan,?

0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Maxamed C/laahi Farmajo ayaa ku booqday Madaxwaynihii hore ee Somalia, C/qaasim Salaad Xasan hoyga uu ka dagan yahay Magaaladda Qaahira ee Dalka Masar, Waxaana Kulankooda oo Saacado qaatay la isku dhaafsaday Talooyin iyo Warbixino.

Farmaajo ayaa uga warbixiyay C/qaasim Salaad marxaladihii ugu dambeeyay ee Dalka iyo Isbadaladii ka dhacay, Waxaana uu sidoo kale uga warbixiyay Go’aankii Somalia ay ka qaadatay Xiisadda Wadamadda Carabta.

C/qaasim Salaad Xasan oo Madaxwaynanimo loogu soo doortay Tuuladda Carta ee Dalka Jabuuti, balse kadib looga guulaystay Doorashadii ka dhacday Kenya ayaa siiyay Farmaajo Talooyin odaynimo, Wuxuuna si gaar ah uga digay Dalalka Deriska la ah Somalia oo ay ugu horayso Ethiopia oo uu  u sheegay inay tahay Cadawga Jiritaanka Qaranimadda iyo Nabadaynta Somalia, isagoo kula dardaarmay inuusan marnaba qaadan Gunnimo iyo Cad Quureed oo uu iska diido wax kasta oo ay Ethiopia u yeeriso.

C/qaasim Salaad Xasan waa Siyaasi Ruug Cadaa Soomaali ah oo soo qabtay Xilal Wasiir oo kala duwan, illaa ugu dambayntii uu noqday Madaxwaynaha Somalia.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.